Ciyaaryahan lagu magacaabo Osama oo magaciisa hadal heyn badan ka dhaliyay dalkiisa

Osama Vinladen waa cayaaryahan 22 jir ah oo horyaalka heerka koowaad ee dalka Peru ka dheela. Wuxuuna qabsaday hadalheynta iyo caannimada kubadda cagta. Mana ahan inuu yahay laacib sida Ronaldo ama Messi ah. Sababtu waa magaca uu sito kaas oo macruuf ka ah dunida uu ku nool yahay.

Osama Vinladen Jimenez Lopez wuxuu aad usoo shaac baxay sannadkii 2017 markaas oo loogu yeeray inuu ka qeyb noqdo tartanka kubadda cagta Koofur Ameerika ee 15-jirrada ka yar. Sannadkii xigay ee 2018-ka ayuuna safashadiisa ugu horreysay u sameeyey xulkiisa.

Sannadkii tagay si kastaba, kooxdiisa ayaa mar kale usoo kacday heerka koowaad ee horyaalka dalkiisa, waxaana magaciisa mar kale uu dhaliyay hadalheyn weyn.

Tiiyoo magaciisu uu aad u hadalheyn abuuro, haddana Lopez wuxuu sheegay inuusan ku qabin wax dhib ah in magacaas loogu yeero. Waxa yaabka leh ayaase ah in walaalkiisa ka yar isagana lagu magacaabo Sadaam Xuseen. Aabbihii ayuu sheegay inuu rabay in wiilkiisa saddexaadna uu u bixiyo George Bush.

Balse cunugii loo bixin lahaa wuxuu noqday gabar. Waxaa xusid mudan in da’yarkan iyo qoyskiisa aysan ahayn Muslimiin. Balse caannimo awgeed uu aabbihii dhalay u doortay inuu magacyadaas u bixiyo!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -