Muxuu yahay ujeedka safarka Guddoonka labada aqal ugu ambabaxeen Turkiga?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga.

Waxay halkaas uga qayb gali doonaan shirka Madasha Baarlamaanada ee Qudus oo looga hadlayo Xornimada iyo Madax-bannaanida Falastiin.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah oo ay ka soo qayb gelayaan madaxda baarlamaannada wadamada Islaamka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Falastiin gaar ahaan dhinacyada bini’aadnnimada.

Waxaa sidoo kale dalka Turkiga shalay gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo sidoo kale ka qeyb galaya shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxaa uu uga qayb gali doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Baarlamaanada wadamada Islaamka asagoo sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda baarlamaanka dalkaasi.

- Advertisement -