Roob xoogan oo xalay ka da’ay Muqdisho oo sababay geerida dad badan (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka da’ay roob xoogan oo ku diirsadeen dad iyo duunyo, roobkan ayaa sidoo kale watay waxyeelo soo gaartay dad badan oo u badnaa kuwa danyar ah .

Roobka xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay in uu soo dumo guri qadiimi ah oo kuyaala xaafada Ceel Qalow ee degmada Wadajir, waxaana gurigan soo dumay ku geeriyooday afar caruur ah iyo ayeeyadood halka uu ku dhaawacmay aabaha caruurta.

Gurmad loo fidiyay dadka uu guriga kusoo dumay ayaa keenay in la bad baadiyo dhoor qof oo kale oo kamid ahaa dadkii guriga ku noolaa, waxaana dhacdadan aad uga naxay dadka deegaanka.

Xaafada ceel qalow ayaa kamid ah xaafadaha uu inta badan saameynta xoogan ku yeesho roobka ka da’a magaalada Muqdisho, waxaana xaafadan gala biyo aad u badan oo sababa in xaafadaha qaar laga barakaco xiliga roobka.

Waxaa suurto gal ah in ay sii kordhaan khasaaraha ka dhashay roobkan inta hada la ogyahay, waxaana roobka waxyeelada xoogiisa gaarsiiyay dadka kunool xeryaha barakacayaasha iyo guryaha qadiimiga.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda mid ana u diyaarsaneyn wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka dhasha roobka xoogan ee ka da’aya magaalada Muqdisho, waxaana wadooyin badan bur buriyay roobkii xalay ka da’ay magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -