Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Boliska Mareykanka oo xabsi ku guray dibed baxayaal ka careysan dagaalka Gaza

Booliiska ayaa xiray boqolaal kale oo mudaaharaadayaal ah guud ahaan Mareykanka, iyadoo mudaaharaadyada looga soo horjeedo dagaalka Gaza ay sii xoogeysanayaan guud ahaan xarumaha jaamacadaha.

Ilaa 108 qof ayaa lagu xiray kulliyadda Emerson,sida ay booliska Boston u sheegeen laanta Mareykanka ee CBS News.

Hadda ka hor, 93 qof ka tirsan Jaamacadda Southern California (USC) ee Los Angeles ayaa xabsiga loo taxaabay iyaga oo lagu eedeeyay inay xad-gudbeen.

Mudaaharaadayaasha iyo booliiska ayaa sidoo kale isku dhacay jaamacadda Texas ee Austin.

Maamulka ayaa sheegay in sidoo kale 34 qof lagu xiray halkaas.

Jaamacadaha Maraykanka ayaa arkay tiro sii kordhaysa oo arday ah oo ka baxaya fasalka ama isku dayaya in ay samaystaan ​​xeryo ay kaga mudaaharaadaan ololaha milatari ee Israel ka wado Qaza. Xarigga ugu dambeeyay wuxuu daba socdaa kuwa kale ee Columbia, Yale iyo Jaamacadda New York.

Related posts

Khilaafka Madaxda Galmudug oo gacan ka hadal gaaray & dagaal ka dhacay duleedka Cadaado

Caydiid Ali

Ronen Bar oo sheegay in uu qaadayo Masuuliyada weerarkii Xamaas ku qaaday Israel

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay wakilada beesha caalamka ee Somalia

Caydiid Ali