Masuuliyiin iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal oo kusii jeeda magaalada Cadaado

Magalaada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan gaaraan Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka.

Wafdigan ku wajahan magaalada Cadaado ayaa u badan Xildhibaanada kasoo jeeda magaaladaasi iyo qaar kale oo kamid ah Xildhibaanadii lagu soo doortay Cadaado kana soo jeeda deegaanada Galmudug.

Xildhibaanadan ayaa u tagaya Cadaado xiisada siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanada Galmudug, waxaana suurto gal ah in wafdigan la kulmaan Madaxweynaha Galmudug oo hada jooga deegaanka Godinlabe lagana yaabo in Cadaado yimaado.

Wafdigan ayaa magaalada Cadaado kula kulmi doona Waxgaradka halkaasi ku dhaqan iyo masuuliyiin katirsan Galmudug, lamana oga in wafdigan Cadaado u tagayaan xaldoonimo iyo in ay uga sii darayaan xiisada siyaasadeed ee hada taagan.

Magaalada Cadaado ayaa isku diyaarineysay in ay marti galiso Doorashada shakiga ku jiray ee Baarlamaanka iyo Hogaanka Galmudug, hasa ahaatee Wasaarada Arimaha gudaha xalay shaacisay in doorashada ka dhaceyso magaalada Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -