Ra’isul Wasaare Kheyre oo Washington kula kulmay David Hale

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha Siyaasadda Mareykanka ayaa looga hadlay dadaallada dib-u-habaynta hay’adda dawladda Soomaaliya iyo sida ay Mareykanka uga qeyb qaadan karaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay iskula soo hadal qaadeen kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -