Is rasaaseyn khasaaro geesatay oo maanta ka dhacday Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa maanta Duhurkii magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka daarta Seybiyaano ka dhacay iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamo booliis ah iyo ciidamo milatari ah .

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo Milatari ah oo watay gaadiid dagaal kana amar qaata Generaal Sheegow ayaa damcay in ay xoog ku maraan bar koontarool oo ciidamada booliiska ku lahaayeen agagaarka Saybiyaano.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada Milatariga damceen in ay xoog ku maraan koontaroolka oo xiligaasi baaritaano ka socday, waxaana booliiska ciidankaasi ku amreen in ay safka galaan balse kabiyo diideen.

Labada ciidan ayaa la sheegay in ay rasaas xoogan oo mudo kooban socotay isku fureen, waxaana iska hor imaadkaasi la sheegay in ay ku dhaawacmeen sadex qof oo mid kamid ah dumar tahay.

Iska hor imaadka maanta ka dhacay magaalada Muaqcisho ayaa imaanaya xili maanta inta badan ay xirnaayeen wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho , waxaana magaalada lagu daadiyay ciidamo badan oo amaanka adkeenayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -