Gabadhii uu Guursan rabay Wariye Jamal Khashoggi oo diiday Casuumad uu u fidiyay ..

Gabadhii uu doonayay in uu guursado Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ayaa ka hadashay dareenkeeda iyo casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Trump.

Hatice Cengiz oo aheyd gabadhii u doonaneyd Wariye Jamal Khashoggi ayaa shaaca ka qaaday in ay iska diiday casuumad uu u fidiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ku martiqaaday Aqalka cad.

Gabadhan ayaa ku eedeesay Madaxweyne Donald Trump iyo dowladiisa in aysan daacad ka aheyn baaritaanka dilkii foosha xumaa ee gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul loogu geestay Jamal Khashoggi.

Hatice Cengiz ayaa iyada oo ilmeeneysa sheegtay hadii ay ogaan laheyd in Jamal Khashoggi lagu dhax dilayo gudaha Qunsuliyada Sacuudiga in aysan u ogolaan laheyn in uu tago Qunsuliyada Sacuudiga.

” Hadaan ogaan lahaa in Jamal lagu dhax dilayo gudaha Qunsuliyada ma ogolaan laheyn in uu tago , Waxaan codsanaya in dhammaan dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Kaashogji la ciqaabo, maxkamadda la horkeeno” ayay tiri Hatice Cengiz.

Waxa ay sidoo kale sheegtay Hatice Cengiz in wali saraakiisha Sacuudiga aysan lasoo xiriirin, waxa ayna sheegtay in aysan tagi doonin Sacuudiga si ay uga qayb gasho aaska Kaashogji inta laga helayo maydkiisa.

Dowlada Sacuudiga ayaa lagu tuhmayaa in ay qorsheesay dilka Wariye Jamal Khashoggi, waxaana wali socda baaritaanada dilka Wariye Jamal Khashoggi oon wali meydkiisa aan la ogaan halka uu ku dambeeyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -