Saraakiil booliis oo Tababar loogu qaadayo Yurub iyo Asia oo Sagootin loo sameeyay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta xaflad sakootin ah ugu sameeyaya taliska ciidanka  saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka bpoliiska, kuwaasi oo dalka dibadiisa u aadayo aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha boliiska.

Saraakiisha iyo kormeerayaashan oo ay tiradooda garayaan in kabadan boqol ayaa u amabaxayay waddamo kuyaalla Yurub.Afriika iyo Asia, waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee laxiriira booliiska,

S/Guuto Sulub axmed Firin oo la hadlay saraakiishan iyo kormeerayaashan ayaa kula dar daaray in ay ka faa iideystaan xirfadaha waddamada ay u amba baxayaan, sidoo kalana uga faa iideeyaan xirfadaha ay Horay u barteen,

Mudooyinkii dambe taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sulub axmed Firin ayaa waday dadaalo kor loogu qaadayo xirfadaha booliiska Soomaaliyeed, waxa uuna ugu amabaxay waddamo badan oo uu kala haday sidii iskaashi Ciidan loo wada abuuri lahaa.

- Advertisement -