Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo War ka soo saaray dhalashada bisha Ramadaan iyo dalal shaaciyey..

Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in la waayey aragtidii Bisha Ramadaan ee caawa la raadiyey, suuragalna ay noqon weyday in la arko.

Warka kasoo baxay Maxkamadda ayaa la sheegay in habeen danbe la raadin doono, mar kalena ay isugu soo noqon doonaan Guddiga qaabilsan arrintan oo go’aan ka gaari doona.

Dalalka shaaciyey in caawa la waayey bisha Ramadaan waxaa ka mida: Sacuudiga, Baxreyn, Kuwait iyo Qatar.

Sidoo kale, kale Dalalka Masar, Lubnaan, Yeman iyo dalal kale ayaa shaaciyey in Berri ay tahay 30-ka Shacbaan, isla markaana bisha Ramadaan ay bilaaban doonto Talaadada oo ay naga xigto beri oo Isniin ah.

Ma jiro dal islaam ah oo illaa hadda ku dhawaaqay iney beri tahay Ramadaan, dowlada Somalia ayaan iyana weli ka hadlin arrinta ku saabsan aragtida bisha Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun culus ku riday Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Caydiid Ali

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay markab laga leeyahay dalka Switzerland (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wadahadleen Wasiirka difaaca DF & dhigiisa Stergmena Lawrence? (sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---