Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh & Xisbigiisa cusub oo wacdaro Siyaasadeed ka dhigay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay maanta Munaasabad balaaran oo lagu daahfurayey Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud.

Xafladda oo ka dhacday hoolka Sahal ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal shacab ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho, waxaana ka mida tobanaan Xildhibaan oo ka tirsanaa kooxdii Qabyo iyo Xisbiga Daljir,.

Xaflada ayaa waxaa muddo 6 bilood ah hoggaanka xisbiga UPD loogu caleemo saaray xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u hanqal taagaya in loo doorto 2020 madaxweynaha dalka.

Waxaa xaflada laga qaaday Suugaan kala duwan oo ay soo bandhigeean kooxo ka tirsan fanaaniinta Soomaaliyeed, Waxaana aad loo adkeeyey amniga hoolka Sahal oo ku yaalla wadada u baxda garoonka Aadan cadde.

Dhoolatuska Siyaasadeed ee ay maanta soo bandhigeen Xasan Shiikh iyo xisbigiisa cusub ee mucaaradka ah ayaa waxaa uu argagax iyo madax xanuun ku riday madaxda sare ee dowlada oo aan jecleyn iney arkaan mucaarad cudud xoogan leh oo la tartami kara doorashada 2020ka ka dhaceysa dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay Guulo ay gaareen ciidanka milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Ciidamo uu wato abbaanduullaha XDS oo howlgalo isbaaro qaad ah ka wada Sh/hoose

Caydiid Ali

Banaan bax looga soo horjeedo Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna oo goordhaw la dhigay

admin
Taboola Ads ---