Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo kulan xasaasi ah la qaatay Ismaaciil Haniyah iyo Israa’il oo ka carootay (Sawirro)

Hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Turkiga, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

Kulanka Madaxweyne Erdogan iyo Ismaaciil Haniyah dhax maray ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen, waxaana la sheegay in labada dhinac kawada hadleen arrimo xasaasi ah oo ugu horreyso colaada Gaza iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Madaxtooyada Turkiga faah faahin badan kama yasan bixin waxa kasoo baxay kulanka dhax maray Erdogan iyo Haniyah, waxaana kulankan ka horreeyay kulamo horey ugu dhax maray Doha Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo hoggaamiyaha Xamaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Haniyah kawada hadleen  muhiimada ay u leedahay midnimad Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro marxaladan, isagoo xusay in jawaabta ugu adag ee Israa’iil iyo guushu tahay midnimo.

Erdogaan ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay lama huraan tahay in ay maalin uun bixiso qiimaha xaqdarrada ay ku hayso falastiiniyiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisu uu sii wadi doono in uu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo caddaalad darradaas.

Maamulka Israa’iil ayaana ka carooday kulanka dhax maray Madaxweynaha Turkiga iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas, waxa ayna Israa’iil Turkiga ku eedeysay in garab siineyso koox aragagaxiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Raisul Wasaare hore oo maanta bilaabay xabsi uu 12 sano ku qaadan doono

Caydiid Ali

Cali Yare oo si adag uga hadlay cida maanta u diiday in uu ka dhoofo Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

Puntland oo War adag kasoo saartay rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---