Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga oo bur buriyay fariisimo iyo godad Al Shabaab ku dhuumanayeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada Khaalid Binu Waliid ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen dhulka miyiga ee dhaca aaga degmooyinka Ruun-irgood iyo Galcad waxa ay ku bur buriyeen fariisimo halkaasi ku lahaayeen Al Shabaab.

Howlgalka ay ciidanka sameeyeen ayaa intii uu socday lagu bur buriyay fariisimo dhowr ah ay lahaayeen kooxda Al Shabaab, waxa ay sidoo kale ciidamada bur buriyeen godad dhufeesyo u ahaa kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweeyne ayaa sheegay in ciidanka bur buriyeen fariisimihii Al Shabaab ku lahaayeen dhulka howdka, waxa uuna xusay taliyaha in ay sii wadayaan howlgalada ay ku baacsanayaan Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Galmudug ka wada abaabulkii ugu dambeeyay howlgal la doonayo in Al Shabaab gabi ahaan looga saaro deegaannada Galmudug ka joogaan ,gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo laga sugayo in go’aan ka gaaraan lacag gaareysa 7 bilyan oo Afganistan leedahay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo xil sare u magacaabay Siyaasi ay isku dhaceen Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Xidiga Weyne Rooney oo Fadeexad dhaxda uga jira iyo sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---