Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Hubeesan oo laga mamnuucay in lagu dhax arko Kismaayo (Daawo Sawirada)

Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland ayaa maanta shaacisay in magaalada Kismaayo laga mamnuucay in lagu dhax arko Ciidamada hubeesan oon aheyn kuwa amaanka loo xil saaray .

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in gudaha magaalada laga mamnuucay in lala dhax maro hub sharci daro ah.

Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalada Kismaayo ka howl bilaabayaan ciidamo isku dhaf ah oo kawada tirsan Ciidanka Nabad sugida, booliiska iyo Daraawiishta Jubbaland, waxa ayna ciidankan ka shaqeenayaan amaanka magaalada .

Magaalada Kismaayo ayaa inta badan lagu dhax arkaa ciidamo hubeesan , waxaana magaalada mararka qaar ka dhaca falal amaan daro ay ku lug leeyihiin ciidamada maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Eritrea oo si adag u diiday in Jabuuti dekad siiso Itoobiya hanjabaadna dirtay

Cabdi Cade

Xaaladda Galmudug oo cakiran iyo Madaxwayne Xaaf oo dib u soo rogaal celiyay

admin

Puntland oo soo bandhigtay naqshada Mashruuc weyn (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---