Sahan laga qaaday Yuhuuda diidan & kuwa doonaya in laga aarguto weerarkii Iran

Sahan ay samaysay jaamacadda Cibraaniga ee magaalada Jerusalem ayaa lagu ogaaday in 74% dadka ra’yi dhiibtay ay ka soo horjeedaan weerar aargoosi ah oo ka dhan ah Iran “haddii ay wax u dhimeyso isbaheysiga amniga ee Israel ay la leedahay xulafadeeda.”

26% ayaa taageeray weerarka xitaa haddii ay dhaawacayso xiriirka xulafada.

Sahanka Jaamacadda Cibraaniga ayaa sidoo kale lagu ogaaday in in ka badan kala bar dadweynaha ay aaminsan yihiin in Israa’iil “ay si wanaagsan uga jawaabto” dalabaadka milatari iyo kuwa siyaasadeed ee xulafada.

Sahankan ayaa la sameeyay 14-kii ilaa 15-kii bishan April iyadoo la isticmaalayo internet iyo telefoon, waxaana laga soo qaaday 1,466 rag iyo dumar ah oo matalayay Israa’iiliyiin qaangaar ah, oo isugu jira Yuhuud iyo Carab, ayay jaamacaddu ku sheegtay warbixin ay soo saartay..

56% jawaab bixiyaasha ayaa aaminsan in Israa’iil “ay tahay inay si togan uga jawaabto dalabaadka siyaasadeed iyo militari ee ka imaanaya xulafadeeda” si “loo xaqiijiyo nidaam difaac oo waara muddo ka dib,” ayaa lagu yiri bayaanka. Inta soo hartay, 32% ayaan go’aansanin, 12%-na way diideen.

Sidoo kale, 59% waxay aaminsan yihiin in kaalmada Maraykanku siiyo Israa’iil ee ka dhanka ah weerarka Iran ay ku waajibinayso dawladda Israa’iil inay isku duba riddo tallaabooyinka ammaanka mustaqbalka ee Washington, halka 26% aanay go’aan ka gaarin arrintan 15%-na aanay ku raacsanayn.

- Advertisement -