Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan Wasiir Fiqi la qaatay Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia Catriona Laing (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing.

Waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen xiriirka dalalka deriska, taageerada iyo wadashaqeynta Qaramada Midoobay ee joogtada ah,  iyo kala wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS laga qaadayo loona dhiibayo ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Related posts

Xog ku aadan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika la doonayo Soomaaliya ATMIS kadib

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Xamze oo warbixin ka dhegeystay Guddoomiye Dr. Cali Ciise (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---