Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho & Laamaha amniga DF oo War ka soo saaray

Labo qarax oo waaweyn ayaa caawa fiidnimafdii ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia kuwaasoo laga maqlay meelo badan.

Warar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen kuwa fuliyeen ciidamada amaanka DF

Laamaha amaaanka ee Dowladda ayaa qaraxyada ka hor shacabka ku wargeliyay iney jiri doono tijaabo hub culus ah, sidaas darteedna haddii ay maqlaan dhawaqa hub culus aysan u qaadan wax amniga lid ku ah.

Dadka qaar oo aysan gaarin wargelinta dowlada ayaa qaraxyada u qaatay kuwo ka dhashay weeraro ka dhacay Magaalada oo qeyb ka ah qaraxyadii ay geysan jirtay Al shabaab.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa u soo joogay  qaraxyo lagu hoobtay oo sanadihii la soo dhaafay ka dhacay caasimada kuwaasoo ku reebay maskaxdooda  saameyn adag.

- Advertisement -