Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Wariye Jamal Khashoggi oo Mareykanka gaaray

Salaax Jamal Khashoggi oo ah wiilka ugu weyn caruurta Wariyaha lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ayaa ka dagay dalka Mareykanka kadibĀ  markii laga qaaday xayiraad saarneyd.

Wiilka Wariyaha la dilay iyo xubno kale oo qoyskiisa kamid ah ayaa gaaray dalka Mareykanka, waxa ayna xubnahan ka tageen Dalka Sacuudiga ay kunoolaayeen kadib markii loo ogolaaday in ay safri karaan.

Boqor Salman iyo Amiir Maxamed Bin Salman ayaa dhawaan la kulmay Salaax Jamal Khashoggi , waxa ayna uga tacsiyadeeyeen geerida aabihiis ay ka dambeeyeen xubno katirsan Sirdoonka Sacuudoga aadna ugu dhawaa Maxamed Bin Salman.

Sacuudiga ayaa wali dhaleeceyn xoogan kala kulmeysa dilka loo geestay Wariye Jamal Khashoggi oo aad u dhaliili jiray Boqortooyada Sacuudiga, waxaana wariyahan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbuul.

Warbaahinta qaarkood ayaa sheegaya in suurto gal tahay in Wiilka Wariyaha la dilay iyo xubanaha kale ee Qoyskiisa kamid ah si adag uga hadlay dilka Wariye Jamal oo la tuhmayo in ay maleegeen xubno sare oo katirsan Boqortooyada Sacuudiga.

Related posts

Laba Milyan Oo Doollar Oo loo Diyaariyay Fulinta Qorshayaasha Ugu Horreeya ee Barnaamijka…

Cabdi Cade

Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Gedo (Akhriso)

Caydiid Ali

Khatar aan Muuqan ā€“ La Safo ama Ka Safo Dalka aad Seeraha Wadaagtaan. !

Cabdi Cade