Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn dhimasho geysatay ka fuliyey degaanka..

Ciidanka Maraykanka oo gacan siinaya kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa duqeyn ku dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska AFRICOM.

Howlgalkan qorsheysan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu beegsaday qaar ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo qaabilsanaa maalgelinta.

Saraakiisha la khaarijiyay ayaa sidoo kale Al-Shabaabka u qaabbilsanaa soo ururinta xoolaha ay shacabka.

“Ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si aan kala go’ lahayn u beegsadaan argagixisada arxanka daran, illaa laga cirib tiro” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaadka oo Halis iyo Saameyn Xun ku yeesha dadka Soomaaliyeed ee cuna !!

Cabdi Cade

Mucaaradka Kenya oo ku baaqay dibed baxyo cusub iyo xiisado ka taagan Nairobi

Caydiid Ali

Ciidamo ka socda dalka Seirra Leone oo la geeyay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade