Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in howlgal ku dileen Maxamuud Nuur Gacal

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-km ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ,waxaa la sheegay in ay ku dileen sargaal katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano la socday.

Taliyaha Guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col:Cali Xabad ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ku dileen sargaal sare oo Al Shabaab katirsan iyo dagaalyahano la socday oo ay xogtooda heleen.

Waxa uu sheegay in sargaalka ay ciidamada milatariga dileen oo lagu magacaabayay Maxamuud Nuur Gacal (Sheekh Af-Sima) uu ahaa madaxa Jabhada Gobolada Baay iyo Bakool, waxa uuna xusay in lala dilay sargaalkaasi 10-dagaalyahan oo kale.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay milatariga Soomaaliya, mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijiyay sheegashada ciidanka milatariga ee ku aadan dilka sargaalka katirsan Al Shabaab iyo ciidanka la socday.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa mararka qaar howlgalo qorsheesan ka fuliya deegaamno iyo tuulooyin kuyaalla gobolada dalka oo ay joogaan dagaalmayaal katitrsan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -