Madaxweyne Erdogan oo ka dalbaday Sacuudiga in ay shaaca ka qaadaan halka …

Madaxwenaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo maanta la hadlay xubno katirsan xisbigiisa ayaa mar kale si kulul uga hadlay dilkii argagaxa lahaa ee magaalada Istanbuul loogu geestay Wariye Jamal Khashoggi oo Sacuudiga u dhashay.

Erdogan ayaa ka dalbaday Boqortooyada Sacuudiga in ay shaaciso halka lagu qariyay ama la geeyay Meydka Wariyaha la dilay, oo baarayaasha Turkiga wali aysan ku guuleesan in ay helaan.

 

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale Sacuudiga ka dalbaday inay shaaciyaan qof reer Istanbul ah oo la tuhmayo Sacuudiga kala shaqeeyay in meydka Khashoggi la qariyo, kadib markii lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sauudiga ee Istanbul.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Turkiga in la hayo cadeymo dheeraad ah oo ku aadan dilka Wariye Jamal Khashoggi, hasa ahaatee Madaxweynaha ma bixin faah faahinta laga hayo dilka Wariyaha loo geestay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale cadeeyay  in dacwad oogaha Sacuudiga uu axadda booqan doono magaalada Istanbul, si uu ula kulmo saraakiisha Turkiga ee gacanta ku haya kiiska baaritaanka Wariyaha la dilay.

Dowlada Sacuudiga ayaa Khamiistii qiratay in dilka Wariye Jamal Khashoggi loo geestay uu ahaa mid lasii qorsheeyay, waxa ayn Sacuudiga cadeeyeen in dacwad oogaha dalkaasi uu wado baaritaano ku aadan cidii ka dambeesay dilka Jamal Khashoggi.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -