Xildhibaan dowladda ka codsatay in ay la raadiyaan Darawalkii Farmaajo oo la waayay

Xildhibaanad Faadumo oo katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa laamaha ammaanka ee dowladda ka codsatay in ay raadiyaan darawalkii Madaxweyne hore Farmaajo oo maqan 8-maalmood.

Waxa ay sheegtay xildhibaanada in darawalkii Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabayay Sahal Maxamed Xirsi aysan heyn war iyo wacaalkii muddo sideed maalin ah, waxa ayna xustay markii ugu dambeesay in uu Farmaajo geeyay garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanada ayaana sheegtay in darawalka maqan uu dhalay nabadoonkeeda iyadana ay u tahay xildhibaan, waxa ayna laamaha amniga ee dowladda ka codsatay in ay ninkaasi meel ku sheegaan oo warkiisa keenaan.

”Darawalka maqan nabadoonkayga ayaa dhalay , anaa xildhibaan u ah, waxaa noogu dambeesay isaga oo Farmaajo geeyay garoonka markii Garawe u dhoofayay, waxaan codsaneynaa laamaha amniga nala raadiyaan , meel walbo kaamiro ayaa ku xiran oo wax walbo lagu ogaan karo” ayey tiri xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaana beenisay wararaka soo baxayay ee sheegayay in darawalka Farmaajo uu ibsaday gaarigii uu waday uuna u goostay dhinaca kooxda Al Shabaab, warkaasi ayeyna ku tilmaantay mid been ah loogana baahan yahay laamaha amniga in ay caddeeyaan.

Hadalka xildhibaanada ayaa kusoo aadaya xilli labadii maalin ee lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay in Al Shabaab isku dhiibay una baxsaday darawalkii Madaxweyne hore Farmaajo, kaa oo la sheegay in Kismaayo ka degay kahor inta uusan Shabaab aadin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -