Allbanaadir.com
NEWS

Nin Carab ah oo ku caan baxay Gubista Kutaabka Qur’aanka oo isaga oo meyd ah la helay

Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood ayaa baahiyay in meydka nin Carab ah oo kasoo jeeda dalka Ciraaq caana ku ahaa gubista Kutaabka Qur’aanka Kariim, laga heley isaga oo meyd ah dalka Norwey uu maalmo kahor tagay.

Salwan Sabah Matti Momika oo kirishtaan Ciraaqi ahaa ayaa ku caan baxay gubista nuqulo Qur’aanka kamid ah, waxa uuna marar badan ku gubay Qur’aanka gudaha dalka Sweden uu ninkan ku noolaa.

Ninkan cadaawad u qabay diinta Islaamka ayaa marar badan abaabulay isku soo baxyo islaam naceyb ah, waxa uuna kutubo Qur’aan ah ku gubay magaalooyin kuyaalla Sweden iyada oo booliiska dalkaasi ilaalinayaan, sidoo kale toos loo baahinayay muuqaalkiisa.

Maalmo kahor ayuu Sabah Matti tagay dalka Norwey si uu dalkaasi uga helo magangalyo uguna noolaado, kaddib markii dowladda Sweden diiday in ninkaasi u kordhiso muddada deganaashiyaha dalkooda ku joogi lahaa.

Salwan Sabah Matti Momika ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku furnaa isku buuq iyo walaac , waxa uuna ninkan ka cabsi qabay in lagu celiyo dalka Ciraaq uu kasoo tagay , halkaas uu ku muteesan karo in lagu dilo.

Muslimiinta kunool Yurub iyo guud ahaan caalamka ayaa si weyn uga carrooday falal ka dhan ah diinta Idlaamka uu ninkan ku kacay, waxaana marar badan ninkan loogu hanjabay in la dilo doono.

Wali ma cada sababta keentay dhimashada ninkan gaalka ah ee ku caan baxay islaam naceybka iyo gubista Kutaabka Qur’aanka , booliiska Norwey ayaana la filayaa in arrintan ay war kasoo saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalad halis ah oo lagu arkay Manhajka cusub ee Wasaarada Waxbarashada DF

Caydiid Ali

Tallaabo ay Qaaday Dowlada Turkiga oo si kulul loo cambaareeyay

Cabdi Cade

Nin Ajnabi ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Taliska booliiska Gobolka Bari oo ka hadlay

Cabdi Cade