Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney la dhalatay Hoggaamiyaha Xamaas oo la xiray iyo Dambiga lagu eedeeyay

Booliska Israel ayaa la sheegay inay xireen Sabaax C/Salaam Haniyah oo la dhalatay hoggaamiyaha xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa mukhaawamada Islaamiga ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Haweeneydaasi oo haysata dhalashada maamulka Israel ayaa waxaa loo gudbiyey Xarunta boliska ee magaalladda Tel Sheva ee Koonfurta Israel.

Hawlgalka baaritaanka lagu hayo Sabaax C/Salaam Haniyah oo 57 jir ah waxaa qeyb ka ah hay’adda Ammaanka Israel ee Shin Bet.

Afhayeen u hadlay booliska Israel ayaa xaqiijiyey xariga haweeneyda la dhalatay Ismaaciil Haniyah, laguna eedeynayo inay xiriiro la yeelatay ururka Xamaas, iyadoo ay booliska Israel ay guriga Haweeneydaasi ka heleen dukumentiyo, telefoono iyo muuqaalo loogu yeeray caddaymo kale.

Bishii la soo dhaafay, Wiil uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas oo lagu magacaabi jirey Hazem Ismaaciil Haniyah oo Arday 22 jir ahaa ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Dagaalka Israel ka geysteen magaalada Gaza.

Ilo-wareedyo Falastiin gudaheeda ayaa sidoo kale sheegay in 14 xubnood oo ka tirsan qoyska hoggaamiyaha Xamaas ku shahiideen duqeymaha Israel, oo uu ka mid ahaa wiilkiisa Khaalid Ismaaciil Haniyah

Si kastaba, hoggaamiyaha dhinaca siyaasadda ugu sarreeya ururka Xamaas waxaa la dhashay 2 Wiil iyo 8 gabdhood oo 3 ka mid ah Xaasas ku nool degmadda Tel Sheva ee Koonfurta Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo ka hadashay in Ciidankii ku maqan Eritrea Dagaalka Itoobiya ka qeyb galeen

Cabdi Cade

RW Xamse oo ka qeyb galay Xus weyn oo lagu qabtay Safaarada Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax lagu burburiyey Booyad ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ka dhacay..

Caydiid Ali