Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka deegaanka (Sawirro)

Deegaanka Xinlabi ee koonfurta gobolka Mudug waxaa xalay lagu soo dhaweeyay laguna soo bandhigay sargaal la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo xiriir lasoo sameeyay ciidanka deegaanka.

Ninkan ciidanka deegaanka isku soo dhiibay oo lagu magacaabo Ismaaciil Xasan Cali, ayaa in muddo ah katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa uuna kamid ahaa raggii Al Shabaab uga dagaallamay deegaanno dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka deegaanka beesha degta Xinlabi ayaa ninkan ku wareejisay ciidanka nabad sugida qeybta Galmudug, waxa ayna ciidanka NISA ninkan u qaadeen xaruntooda weyn si ay u marsiiyaan habraaca isa soo dhiibayaasha.

Isa soo dhiibida sargaalkan ayaa kusoo aadaya xilli shalay ciidanka deegaanka duleedka Xinlibi ku qabteen ilaa toban nin oo la sheegay in Al Shabaab la shaqeenayeen , kuwaa oo hadda ku jira xabsi kuna socdaan baaritaanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarado Ciidamo badan sida oo saakay ka degay garoonka Diyaaradaha Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Somaliland oo sheegtay in xiligan aysan wadahadal la furi karin Somalia (Sababaha)

Caydiid Ali

Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay labo nin oo baxsad ahaa oo dil geestay

Cabdi Cade