Allbanaadir.com
NEWS

War deg deg ah: Weriye ka howlgala Muqdisho oo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa

Mid ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa xilu uu ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weriye Maxamed ibraahim Gaabow oo ka tirsan telefishinka Kalsan ayaa la sheegay inuu ku dhintay qaraxaas loogu xiray gaariga uu watay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in weriyaha uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas uuna ku dhintay isla goobta uu qaraxu ku haleelay, wararka qaar ayaa sheegaya in weriyuhu uu kala go’ay.

Labo caruur ah oo gaariga la saarneyd weriyaha ayaa ka badbaaday qaraxaas, waxayna wararku sheegayaan iney soo gaareen dhaawacyo fudud, iyadoo lagu daweynayo goobaha Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay wiil kasoo goostay Al Shabaab

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay weerarkii Xabsiga Dhexe & qorshe uu watay Farmaajo oo fashilmay

Caydiid Ali

Madaxweyne Galmudug oo Shaqo cusub u abuuray Wasiir uu horey xilka uga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---