Allbanaadir.com
NEWS

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray ummadda Soomaaliyeed

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa hambalyo ku aadan Munaasabada Ciidul Fidriga waxa uu u diray Umada Islaamka gaar ahaan Umada Soomaaliyeed meel kasta ay dunida ka joogaan.

“ Ciid wanaagsan ayaa leeyahay Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, Alle waxaan ka baryeynaa ciidan ciida xigta inuu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda” ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay noqdaan kuwa mideesan oo wada jira, waxa uuna ilaah uga baryay in sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

‘’Aniga oo ka faa’iideesanaya Munaasabada Ciida waxaan ugu baaqayaa umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay noqdaan kuwa mid ah , waxaana ilaah ka baryeenaa in naga dulqaado dhibaatada dib u dhigtay dalkeena” Ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugu Dambeyn Ugaaska ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka , waxa uuna booriyay dadaalada lagu doonayo in dalka uga dhacdo doorasho raali laga wada yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tacshiirad khasaare nafeed geysatay oo la isku weydarsaday garoonka Laascaanod

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Nin Dil dad badan ka naxeen ka geestay Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---