Dalkii todobaad ee ka tirsan Afrika oo hawada u diraya dayax gacmeed

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka soo socda ee 2019-ka ay markii ugu horreysay hawada sare ay u direyso dayax-gacmeed ay leedahay.

Xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegay sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday Itoobiya iyo Shiinaha.

Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nigeria, Ghana, Angola iyo Kenya.

Dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd ayaa haatan gabagabo marayo sida uu sheegay Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr. Selemon Belay.

Dayax-gacmeedka oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo ururinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaaloyinka sida ay sheegeen madaxda Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -