Dad badan oo Salaad taraawiix ku dukanayay Masaajid oo la afduubtay

Masaajid kuyaala magaalada Jibiya ee gobolka Katsina ee dalka Nigeria, ayaa laga afduubtay dad badan oo kamid ahaa jameecada masaajidka xili ay u taaknaayeen dukashada salaada taraawiixda.

Kooxda weerartay masaajidka oo hubeesneed ayaa rasaas ku furtay masjidka, waxa ayna halkaasi ka kaxeesteen 40-qof oo kamid ahaa jameecada masaajidka weerarka lagu qaaday sida booliiska sheegeen.

Ciidamada milatariga Nageria iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa la sheegay in ay baacsadeen kooxdii afduubka geesatay, waxa ayna ku guuleesteen in ay kasoo furtaan 30-kamid ah dadkii ay afduubteen.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in wali baadi goob ugu jiraan 10-ka qof ee wali maqan , mana cada wali ujeedka kooxdan hubeesan u weerartay masaajidka sidoo kale dadka u afduubteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -