Baadi-goobka dhaxalkii Matxafka qaranka !!!

Sanado dagaal iyo deganaan la’aan ah ayaa Iraq ka dhigtay janada tuugada!. Richard Hall ayaa la kulmaya koox u dagaalama soo celinta aathaartii dhaqan dhawraha

Kaydka taariikheed ee matxafka qaranka waxaa la soo bilaabay goor dib loogu celiyo maamuladii Babylonian obelisks (البابلية) iyo Assyrian (الآشورية). Haddase dhigaalkaas baylah ku timid kaddib waa baadi si qaran loo baadi-goobayo!

Wafaa Hassan waxay fadhisaa miiskeeda , waxaa hoosteeda rastaysan warqado waaweyn oo ay  soo celisay bog walba. Waxay gacanta ku haysaa liiska waxyaabo qadiimi ah oo markii hore laga helay Iraq balse immika ku firirsan dunida.

“ Waxay yaalaan US, Britain, Switzerland, Lebanon, UAE, Spain, iyo meel kasta,” sidaa ayay tiri. “ annagaa iska leh, waxaan isku dayaynaa inaan dib u helno dhammaantood.”

Ms. Hassan waxay aqoon u leedahay cilmiga aathaarta iyo baaridda , waxay madax u tahay waaxda dib u kabashada matxafka, waxay masuul ka tahay soo helidda iyo soo celinta tobanaanka kun ee farshaxanadii laga dhacay dalka.

Dib u aruurinta aathaarta Iraq waa ciyaar bisad-iyo-dooli, taas oo socotay tobanaan sanno. Soohdimaha dalka waa halka ugu muhiimsan kaydka taariikheed ee dunida. Mesopotamia waa dhul u dhaxeeya webiyada Tigris iyo Euphrates. Waa bartii ugu horreysay ee ay boqortooyo ka hanaqaaday kuna dhamaatay.

Balse dagaal iyo xasillooni darro ayaa  kuwa beylahda booba u sahashay bililiqo, taariikhyahanada reer yurub ayaa dib ugu celiyay wixii ay helaan dalalkooda intii lagu guda jiray billowgii qarnigii 20aad. Qodidda sharci darrada ah waxay aheyd caan xilligii madaxweyne Saddam Hussein siiba fara-galintii reer galbeedka 2003, irriddii daadka iyo fowdada ayaa furantay!

10 April, markii ciidamada Mareykanka ay galeen Iraq, madxafka qaranka ee ay ka shaqeyso Ms Hassan waa la boobay sal iyo baar, qiyaastii 15,000 oo shay ayaa la qaatay. Wixii ku dhacay madxafka waxaa loo diiwaan galiyay mid ka mid ah xadgudubyadiii ugu waaweynaa ee loo gaystay dhaxal dhaqan aadane.

“Tani waxay igu reebtay murugo,” Marwo Hassan ayaa sidaa ku tiraabtay. “ dad aad u badan ayaa gudaha u galay , gabi ahaanba waa la bur-buriyay.”

Musiibadii kale ee ku dhacday matxafka, 2014-kii ISIS ayaa saddex meel la wareegtay dalka oo dhan –  waxay aathaartii ka dhigeen kuwo ay mamnuuceen, kuwo ay bur-buriyeen iyo kuwo ay dhoofiyeen. Dhigaalada la xaday ee suuqa madow lagu kala gatay sannad gudihii waxaa lagu qiyaasay in laga macaashay £80 Milyan.

 

Matxafka waxaa dib loo furay 2015, isagoo leh keliya hooskiisii hore. Balse tallaabadii koobaad waxay aheyd dib u hirgalin uun. Damaca Wafaa Hassan ee dib u soo celinta dhaxalkeeda waa mid asal adag, dhululubo (Koombo) kasta oo ay ka hesho dhulka Iraq waxay ku soo sintaa golaha madxafka.

“Waxaan nahay dal leh taariikh hodan ah , dad badan oo raad reebay ayaa halkan ku noolaa. Haddii aad aaddo Babylon dhulka waxaa sida ubaxa u daadsan waxyaabo horey loogu dhaqmi jiray oo qadiimi ah,” ayay tiri.

Derbiga ka dambeeya miiskeeda waxaa ku dhagan warqad sawirro leh, balse waxyaabaha ku dhigan qaar kamid ah ayaa la la’yahay. Waxay isku dayaysaa inay hesho! Qaarkood waxaa la hayay taniyo qarnigii 7aad ka hor taariikhda Nabi Ciise (Cs).

Marwo Hassan waxay hawsheeda kala kaashataaa hay’adaha dawladda, booliiska Interpol-ka, matxafyada iyo safaaradaha Iraq ay ku leedahay caalamka. Waxay tiri shaqadooda ugu wanaagsan waa caawin.

Kala bar waxyaabaha la waayay waxaa la bililiqeystay 2003. Nasiib wanaag taageero laga helay dawladaha ayaa horseeday in dib loo helo bar. Bishii March garoonka Heathrow waxaa lagu qabtay dhagxaan laga qaaday Iraq ugu dambeyn waa la soo celiyay.

Balse waddamada ayaan isku mid aheyn dhanka shuruucda, waxaa jira dalal hantidooda u aqoonsada farshaxanada soo gala. Sidaa darteed waxaa adag inay dib u soo celiyaan.

“Mararka qaar dadku waxay dhahayaan: ‘ anagaa iska leh!’ waxaa jira qawaaniin dalalkaas u awood siinaya lahaansho iyagoo haddana og in la soo xaday. Marwo Hassan ayaa si dareen leh u tiri.

Marka la eego sharci la meel mariyay sannadkii 1936, Iraq waxay mamnuucday in la dhoofiyo waxyaabaha asalka ah, balse sharciga ayaa ogol in aathaarta la qaado marka  bandhig iyo cilmi baaris lagu sameynayo. Waxaa jira wax ka badan 10,000 oo aathaar qadiimi ah, keliya waxaa ka xafidmay 10%,  kumanaan kale waa baadi la yaahdinayo iyo in u nugul in la sifo khaldan lagu dhoofsado.

Si la mid ah kan Iraq, hiddo dhawrihii (matxafkii) Soomaaliya dhaxalkii yaalay waa baadi tasowday, ku sii darso waxaa muuqata in weli aan si qaran loogu  kaba qaadan!

 

Turjume :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -