Dowlad goboleedkii ugu horeeyey oo ka jawaabay qoraalkii Wasiir Beyle (Akhriso)

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Juballand ayaa ka hadlay qoraal shalay ka soo baxay Wasiirka Maaliyada dowlada federaalka Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle oo looga dalbaday dawlad goboleedyada dalka inay soo gudbiyaan dalabkooda ku aadan qeybta labaad ee lacagaha cusub, isla markaana ay soo diraan Xisaabta celinta lacagahii hore.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle  ayaa sheegay in Bangiga aduunka uu soo fasaxay lacagaha kabka ah, waxaana dowlad goboleedyada uu ka codsaday soo gudbinta xisaab celinta iyo dalabka lacagaha kabka ah ee cusub.

Wasiirka Maaliyada Dowlad Goboleedka Juballand C/rashiid Jire Qalinle oo ka jawaabayey hadalkan ayaa sheegay in Qoraaladan ay yihiin oo kaliya kuwo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shirarka Golaha Iskaashiga.

“Qoraalkan kii ka horeeyay waxaa la soo saaray xiliga shirkii Kismaayo, Kan cusubna waxaa lagu soo aadiyay midka Garoowe uga socda Dowlad Goboleedyada, taasoo muujineysa in Dowladda Dhexe carqaladeyneyso Shirarka” Sidaas waxaa yiri Wasiir Qalinle.

Dowladda Dhexe, ayuu sheegay ineysan si rasmi ah baaqyadeeda ugu dirin Dowlad Goboleedyada, balse ay soo dhigto oo kaliya Baraha Bulshada taasoo Muujineysa hoos u dhaca la galiyay Dowladnimada dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Somalia ayaa qoraalkeeda ku sheegtay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay in si dhow ula shaqeyneysay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada si ay u diyaariyaan xisaab celinta laga rabo.

Qalinle, Waxa uu tilmaamay in wali halkeeda ay tahay Hakadka ku jira Xiriirka dowladda Dhexe iyo kuwa Gobolada, Isagoo Su’aal iska weydiiyay Cida ay wadashaqeynta Todobaadyadan la lahaayeen.

Wasiirka ayaa Carabka ku adkeeyay in dakhliga ka soo xarooda Dekeda magaalada Kismaayo ay u soo wareejiyaan Dowladda Dhexe, Waloow Federaalka laga la’yahay lacagaha ay soo dhiibaan deeq bixiyayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -