Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii hordhaca ahaa Madaxda DF & dowlad goboleedyada oo la soo gebagebeeyey

Waxa hadda soo gebegeboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo illaa saaka 9kii subaxnimo ka socday Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Shirka oo uu furay, guddoomiyeyna Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayna ka soo qayb-galeen dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa lagaga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo.

Shirka oo maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka wuu sii socon doonaa, waxaana la isugu soo laaban doonaa berri subax sida sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta JFS mudane Cismaan dubbe.

Shirkii Madaxda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaamaanta ayaa guud ahaan ahaa mid qalbi xaarasho oo labada dhinac isu soo dhowaanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta looga heshiiyey qaar ka mid ah ajendayaasha shirka soo socda, waxaana la filayaa in shirka beri au madaxdu kaga doodaan sidii ay iskugu raaci lahaayeen ajendayaasha haray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaal weero maanta la soo taagay Maxkamadda gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Madfac ku dhacay gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay guusha kiiska Badda, eedeymo culusna u jeediyey Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---