Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox Xagjiriin Doonayay in ay weeraraan Masaajid oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada booliiska dalka Jaramlka ayaa xiray kooxo cunsuriyiin xagjir ah oo qorsheenayay in ay weeraraan masjid kuyaala dalka Jarmalka, waxaana booliiska heleen xog ku aadan weerarka ay kooxdan qorsheenayeen.

Cunsuriyiinta la xiray oo gaaraya 12 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, waxa ayna kooxdan qorsheeyeen in ay weeraraan masaajid iyo sidoo kale dadka magan galyo doonka ah ee jooga gudaha Jarmalka.

Booliiska dalka Jarmalka ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira xubno kale oo kooxdan kamid ah qeybna ka ahaa qorshaha weerarka masjidka iyo sidoo kale dadka magan galyo doonka ah ee jooga Jarmalka.

Dalka Jarmalka waxaa ku sugan kooxaha cansuriyiinta midigta fog, waxa ayna kooxahan abaabulaan weeraro ka dhan ah dadka Muslimiinta ah iyo sidoo kale dadka kale ee Jarmalka u yimaada in magan galyo ka helaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo la sheegay in Dastuurka iyo Danta Qaranka uu kala weyn yahay Fahad Yaasin

Cabdi Cade

Baabuur waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay meel ku dhaw Beerta Nabada ee degmada Waabari !!

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo lacag ku bixinaya dacaayado ka dhan ah Xildhibaanadii mooshinka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---