Kooxo ka ganacsanayay iyo kuwa Isticmaalayay waxyaabaha Maanka dooriya oo caawa Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa caawa howlgal ay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qab qabteen kooxo ka ganacsanayay iyo kuwa iibsanayay maandooriye.

Howlgalka ayaa ciidamada si gaar ah uga fuliyeen goobo loo farmuuqay oo inta badan lagu iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka, waxa ayna ciidamada soo qab qabteen 15 ruux oo isugu jiray kuwa iibinayay iyo kuwa isticmaalayay Maandooriyaha.

Dadka ay ciidamada booliiska caawa soo xireen waxaa ku jirtay haweeney la sheegay in ay kamid aheyd dadka ka ganacsadaha Maandooriyaha, waxaana dadkan lasoo qab qabtay caawa ku hoyanayaan xabsi.

Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in caawa xireen goobo lagu iibin jiray maandooriyaha sidoo kale xabsiga dhigeen dad ka ganacsanayay maandooriyaha iyo kuwa isticmaalayay.

Magalaada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay goobaha lagu iibiyo iyo dadka isticmaala maandooriyaha, waxa uuna maandooriyaha sababay in dad badan nolosha ka dhacaan iskuna badalaan burcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -