Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo wada Wadatashiyada dhismaha Xukuumada cusub (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa maanta qaabilay maamuleyaasha warbaahinta ka howl-gasha gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda saxaafadda, in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daah furnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo warbaahinta in ay dardar geliyaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa adkeeyey doorka Xukuumadda ee ku aaddan dhowridda xorriyadda hadalka, xuquuqda Warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha, isagoo ku bogaadiyey shaqada ku aaddan xogsiinta iyo wacyigelinta ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta ka howl-gala dalka, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, taas oo aas-aas u ah xaqiijinta xorriyadda iyo madax-bannaanida saxaafadda, iyagoo la wadaagay tallooyin la xiriira qaabka ay u wada shaqeyn karaan warbaahinta iyo dowladda.

- Advertisement -