Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo ka baxaya Heshiis 30-sano kahor uu la galay Ruushka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inay ka go’an tahay inuu ka baxo heshiis lagu xakameynayo hubka oo Mareykanka uu Ruushka la galay 1987-kii, kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton uu Moscow kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbayaan Heshiiska xakameynta hubka nukliyeerka ee riddada dhexe, ayaga oo daadgureynaya gantaallo.

Bolton ayaa xadgudubka Ruushka ku sheegay “mid aad u qoto dheer oo muddo soo socday”

“Halistu maaha ka bixitaanka Mareykanka ee heshiiska INF. Halista waa Ruushka oo mar horeba daad-gureeyey gantaallo” ayuu yiri Bolton.

“Mowqifka Mareykanka waa in Ruushka ku xadgudbayaan heshiiska, mowqfika Ruushkuna waa inaysan ku xadgudbeyn, sidaas darteed waa in la is-weydiiyaa side Ruushak ugu hogaansami karaan arrin aysanba rumeysneyn inay ku xadgudbayaan” ayuu yiri Bolton.

Bolton ayaa kadib wada-hadalladdii Moscow shaaca ka qaaday in ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan ka bixitaanka heshiiska ay diiwaan-gelin doonaan dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay faa’iidada Somalia ugu jirta heshiiska Saddex geesoodka ah

Caydiid Ali

Macbad ay leeyihiin Hinduuga oo laga dhisay Magaalada Dubai iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Goodax Barre oo jawaab kulul siiyay Madaxwayne Dani shaaciyeyna mowqif cusub ee ardeyda Puntland!!

admin
Taboola Ads ---