Sacuudiga oo 6-Bilyan Dollar u balan qaaday mid kamid ah Wadamada Caalamka xili uu cadaadis saaran yahay

Boqortooyada Sacuudiga ayaa u balan qaaday dowlada Pakistan in ay siineyso 6-Bilyan oo Dollar oo isugu jirta deeq iyo deyn, waxaana lacagtan xoogeeda lagu kabayaa miisaaniyada dowlada Pakistan oo dhibaato badan ka jirto.

Sacuudiga ayaa balan qaadkan sameeysay xili uu shalay dalkaasi gaaray Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistan  Imran Khan, oo ka qeyb galayay shirka maalgashiga Sacuudiga uu soo qaban qaabiyay Dhaxa sugaha Boqortooyada Sacuudiga.

Ra’isul Wasaare Imran Khan ayaa kulan gaar ah la qaatay Boqorka Sacuudiga Salmaan, waxa ayna labada dhinac kawada hadleyn xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Sacuudiga lacag ugu deeqi lahaa dowlada Pakistan.

Pakistan ayaa lacagta Sacuudiga u balan qaaday 3-bilyan oo kamid ah lagu wareejin doonaa sanadka cusub ee 2019-ka, halka sadaxda bilyan kale Pakistan lagu siin doono Shidaal deyn ah ay iska bixin doonaan.

Lacagtan Sacduudiga ugu deeqay Pakistan ayaa kusoo aadeysa xili Boqortooyada Sacuudiga lagu dhagan yahay laguna dhaleeceenayo dilkii foosha xumaa ee loo geestay Wariye Jamal Khashoggi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -