Tuugadii ugu caqliga xumeyd oo gacanta lagu dhigay !!

Burcad hubeesan ayaa weerar ku qaaday dukaan si ay uga soo dhacaan lacago, hasa ahaatee ruuxa dukaanka iibinayay ayaa kaarto cajiib ah u degay burcada si hantidiisa uga bad baadsado loona xiro.

Lix nin oo burcad ah ayaa galay dukaanka si ay lacago uga qaataan, ninka Dukaanka ayaa muran kadib kooxda burcada ah kula taliyay in ay usoo laabtaan saacado kadib si ay markaasi u qaataan lacag inta uu hada hayo ka badan.

Burcada ayaa ku qanacay talada dukaanlaha ay doonayeen in ay dhacaan, waxa ayna saacado kadib burcada ugu soo laabteen dukaanka ay doonayaan in ay dhacaan si ay markan lacag intii ay ka tageen ka badan uga qaataan.

 

 

Ninka dukaanlaha ayaa sheegay in burcada dukaankiisa markii hore joogeen mudo 14 daqiiqo ah uuna kala hadlay arimo kala duwan, waxa uuna xusay in markii dambe burcada ku qanciyay in ay kusoo laabtaan.

”Sidii maadays oo kale ayay ahayd, isjiidjiid ayay hawshu ku bilaabatay balse waxba ma siinin, waxaana ku qanciyay in aan galinka dambe siin doono 2 ilaa 3,000 oo lacagta Yuuroo-da ah, arkii aan booliiska u sheegay, ma aysan rumaysanin in ay soo noqon doonaan” Ayuu yiri dukaanlaha.

Ciidamada booliiska ayaa meel dambe ugu dhuuntay kooxda burcada kuwaa oo dib ugu soo laabtay dukaanka xili la doonayay in la xiro, waxaana halkaasi ciidamada booliiska ku xireen burcadii caqliga xumeyd ee dooneysay in ay dhac u geestaan dukaanka.

Warbaahinta Biljamka iyo kuwa caalamiga ah ayaa kooxdan burcada ah ku tilmaamay tuugadii ugu caqliga xumeyd, waxa ayna sheekada arintan noqoay mid si weyn loogu baahiyay Warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -