Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo ka hadlay faa’iidada Somalia ugu jirta heshiiska Saddex geesoodka ah

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretreya iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uu uga dhigan yahay heshiiska saddex geesoodka ah.

Farmaajo ayaa sheegay in 30-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay fara gelin toos ah, balse waxaa uu xusay in Madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo fara gelinta, taasoo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu la kulmay sanad ka hor Ra’isul Wasaarihii hore ee Itoobiya Xayle Mariam, isla markaana uu ka dalbaday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan dalka Soomaaliya.

“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari Mobile ka daawanayay xaaskiisa oo foolanaysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo oo loo dhaariyay Xildhibaan aan dhicin iyo Mooshin laga gudbiyay oo fashilmay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo caawa daah-furay qorshe cusub oo lagu xoojinayo amniga (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali