Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay Shir arrin muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda Dan Qaram  ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, kana shaqeeyaan sare u qaadida wax-soosaarka iyo daqkhliga.

Xamse Barre ayaana kula dardaarmay wasaaradahan in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo boorsooyinkiisa ka xir xiranaya Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safarkiisii ugu horeeyay oo Dibadda goordhaw u baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo shalay un ogaaday in Lloyd Austin isbitaal la dhigay iyo dood ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---