Siyaasi sheegay in masiirka dalka u muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey

Qaar kamid ah siyaasiyiintii mucaaradka ku ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u diidan ugana soo horjeeda wax ka bedelka dastuurka KMG ee dalka u yaalla, oo dowladda rabto in ay wax ka bedesho waxna kusoo darto.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiintii isla soo jabhadeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii uu dalka ka talinayay Farmaajo, ayaa sheegay in Xasan Sheekh aan laga yeeleyn waxii uu shalay diidanaa.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dhameystirka dastuurka ee murashaxiinta uu madaxweynaha ka mid ahaa balanqaadeen ay ahayd in la qabyo tiro, waxa ka dhimana la dhammaystiro, balse aysan ahayn in wixii heshiiska lagu ahaa la beddelo.

”Dastuurkeena meelna ugama qorna in Madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd” ayuu yiri Xildhibaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay haddii dastuurka ansixintiisa muranka ka jiro la meelmariyo kana shaqeeyo arrintaasi guddoomiye Aadan Madoobe , in u muuqan doonto masiirka dalka in u muuqdo in marinaayo iyo halkii Xasan Sheekh kasoo jabhadeeyay u laaban doonto.

”Haddaba, haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka,Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

- Advertisement -