Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safarkiisii ugu horeeyay oo Dibadda goordhaw u baxaya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi la socda ayaa lagu wadaa in goordhaw ka dhoofaan magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh ayaa casuumad rasmi ah la helay madaxweynaha cusub ee  Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan oo labo maalin kahor doorashadii Xasan Sheekh kusoo baxay la wareegay talada Imaaraadka kadib markii uu geeriyooday walaalkiis.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la filayaa in labada dhinac kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa xiriirkii Imaaraadka sida dhaw u lahaa Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa fariin u direysa dowladda Qatar oo horey u gashay doorkii Imaaraadka ku lahaa Soomaaliya, waxaana soo xirmaya saameyntii Qatar ee siyaasadda Soomaaliya.

Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Farmaajo ayaa xiriirka u jartay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana Qatar noqotay dalka Carbeed ee saameynta ugu xooggan ku lahaa siyaasadda Soomaaliya shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -