Farmaajo oo boorsooyinkiisa ka xir xiranaya Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa boorsooyinkiisa kasii xir xiranaya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu degnaa muddo ka badan shan sanno .

Waxaa hada socota qaban qaabadii ugu dambeesay uu xilka iyo xafiiskaba ku wareejinayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee looga adkaaday doorashadii dhacday 15-kii may, waxaana xafiiska kala wareegaya Madaxweynihii shan sanno kahor uu kala wareegay.

Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in uu degayo guri weyn oo kuyaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaas uu kusii sugnaan doono inta ay ka dhaceyso xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub, waxaana xilligaas kadib suurto gal ah in Farmaajo dibadda u guuro.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuyud ayaa dhankiisa isku diyaarinaya sidii ugu soo wareegi lahaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya si uu degdeg ugu guda galo shaqooyin badan oo horyaala.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay baneeyaan inta badan xubnihii aadka ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana Villa Soomaaliya ku laaban doono xubno shan sanno kahor laga soo eryay markii Farmaajo xilka la wareegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -