Madaxweyne Xi Jinping oo balan qaad caawinaad ah u sameeyay Mareykanka

Dowlada Mareykanka ayaa xaalad adag oo ka dhashay Caabuqa Caronavirus xiligan wajaheysa, waxaana dalkaasi goboladiisa kala duwan si xad dhaaf ah ugu faafaya caabuqa halista badan.

Mareykanka ayaa qarka u saaran inuu noqdo xudunta faafitaanka caalamiga ah ee cudurka Caronavirus, waxaana gudaha Mareykanka hada laga diiwaan galiyay kiisaska ugu badan ee faafitaanka caabuqa Caronavirus.

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping oo maanta khadka telfoonka kula hadlay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa u balan qaaday in dowladiisa ay ka taageeri doonto dagaalka Coronavirus.

Xi Jinping ayaa u sheegay Madaxweyne Trump in Shiinaha aysan waxba ka qarineyn caabuqa Caronavirus ee dunida kusii faafaya, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in Madaxweynaha Shiinaha kawada hadleyn wax badan oo ku saabsan Caronavirus, waxa uuna xusay in si dhaw u wada shaqeyn doonaan Siinaha maadama ay wax badan ka fahansan yihiin Caronavirus.

Taageerada Shiinaha siinayo Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili Trum ku eedeeyey Shiinaha inay qarinayaan xogta rasmiga ah ee kiisaska Coronavirus , waxa uuna cudurkaasi ku tilmaamay Madaxweyne Trump Fayruska Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -