Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/qaadir C/llaahi Lugey oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

C/qaadir C/llaahi Lugey oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa caawa fiidnimadii lagu dilay degmada Dhakeynley ee magaalada Muqdisho

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney geysteen dilka marxuumka, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday sida la soo werinayo.

Dadka degaanka oo iskugu soo baxay goobta ayaa qaaday meydka ninkan oo si weyn looga garanayey degaanka.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysa, inkastoo ay jiraan warar dadka degaanku isla dhexmarayaan oo ah inuu mar ahaan jiray gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Dharkeynley.

Laamaha amaanka iyo maamulka degmada Dharkeynley ayaan ka hadlin dilka caawa loo geystay wiilkan dhalinyarada ah oo qeyb ka ah dilalka iyo weerarada had iyo jeer ka dhaca Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2cGBYj_Ys0U&t=2s

Related posts

Xulka Marooko oo dalkooda loogu soo dhoweeyey si aan caadi aheyn (Sawirro)

Caydiid Ali

Ajaaniib ku dhow 150 oo laga tarxiilayo Somaliland & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab iyo dowlada Somalia oo War ka soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---