Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Somalia oo meel marisay laba Hindise Sharciyeed oo la horkeenay

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindise Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Al Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe.

Kulan ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Al Shabaab, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Al Shabaab iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka Guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo, Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali, oo ah aqoonyahan aqoon durugsan u leh masuuliyaddan.

Sidoo kale waxa Goluhu ansixiyay dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo Dib-u-eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib-u-habeyn lagu sameeyey.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu salka ku hayaa go’aanka qalafsan ee Kenya ka qaadatay xiriirka Somalia?

Caydiid Ali

Ma doonaysaa in ilmahaagu barto qoraalka iyo akhriska Af Soomaaliga?

Cabdi Cade

Dalkii lixaad ee caalamka ka tirsan oo Shacabkiisa ka mamnuucay isticmalka Shiishada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---