Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika (Africom) ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo saacadihii la soo dhaafay Soomaaliya ka dhacday.

War-saxaaafadeed uu soo saaray AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeymahaas ay ahaayeen kuwo ay ku taageerayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ku difaacayaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Shalay oo taariikhdu aheyd 27/11/2018 waxaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fulinay degaanka Quy-Cad, waxaana beegsanay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana dilnay Saddex ka mid ah” ayaa lagu yiri War ka soo baxay AFRICOM oo intaas ku daray ineysan jirin khasaare duqeyntan ka soo gaartay dad shacab ah.

“Waan sii wadi doonaa duqeymaha uu la beegsanayo saraakiisha Al-Shabaab, Annagoo taageereyno ciidamada dowladda iyo saaxiibadeena AMISOM” ayaa lagu soo gebagebeeyey warka ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -