Shiikh Shariif: “Madaxweyne wixii aad shalay diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Ahmed oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho aya ka hadlay arinta wax ka bedelka dastuurka ee muranka badani uu ka taaganyahay .

Waxa uu ka hadlay taraiikhda dastuurka isaga oo sheegay in uu kasoo bilowday Axdi Qarameedkii Embakati kaas oo la ansaxiyay sanadkii 2012kii iyada oo ay ansaxiyeen ergo ka koobneyd 825 , intii ka danbeysay oo dhanna laga shaqeeynayey , laakin shaqadi loo baahnaa aan laga qaban , haatana sida ay wax ku socdaan uu mugdi badan ku gaddaamanyahay .

Waxa uu sheegay in dastuurku uu ka baxayo kumeelgaarka marka afti dadweyne loo qaado, inta ka horeysana shaqadiisa lasii wado.

“Dastuur diyaarintuna waa qoddob, in la aqbalano waa qoddob kale” , ayuu yiri sheikh shariif.

Hadda haddii la yiraa dastuurka waa la dhameeystiray oo doorasha toos ah ayaa la aadayaa , Somaliland sidee ayey uga qeeyb qaadaneysaa , Puntland waxa ay ka qabtaa dastuurka su’aal, hadii iyaguna ay birri banaanka tagaan maxaa dhacayo. ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Sheekh Shariif.

“Maadaama aan nahay dad kasoo baxayo dagaallo sokeeyo dowladda waxaa lagusoo waday wadahadal , is-afgarad ,wuxuuna su’aal ka keenay maxay tahay sababta looga leexanayo dariiqaas”

Waxa kale oo uu sheegay in maxkamaddii dastuurka aanay dhisneyn , guddigii addeegga dastuurkana uusan dhisneyn .

“Dastuurka waxaa dabiici u ah in mar walba wax lagu kordhiyo oo baarlamanaku ay ka doodaan laakin marka waxa laga bedelayo iyo waxa lagu kordhinayo ay bataan waxa uu noqononayaa dastuur beddel” ayuu yiri Sheekh Shariif, isaga oo intaas ku daray in haddii dastuur la bedelayana loo baahanyahay in dadku ay kawada tashadaan.

Waxa uu sheegay in dooddu aanay u dhaxeyn qolo dastuurka in la ansaxiyo rabto iyo qolo diiddan , doodduna waxa ay tahay buu yiri in dastuurka loo ansaxiyo si waafqsan sida dastuurku tilmamayo gaar ahaana cutubka 15aad sida uu tilmamayo.

Shariif Sheikh Ahmed  ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo Qabyaalad, isagoo xusay wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn . Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo” ayuu intaas ku daray.

HOOS KA DAAWO HADALKA SHARIIF SHEEKH AXMED

- Advertisement -