Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xamaas iyo Israel Maxay ka yiraahdeen kordhinta maalmaha xabad joojinta?

Iyadoo xabbad joojinta Xamaas iyo Israa’iil ay gashay maalintii afraad ee ugu dambaysay, ayaa labada dhinac waxay ka hadleen suurtogalnimada in la kordhiyo, tallaabadaas oo taageero ka helaysa dalal muhiim ah oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay Madaxweyne Biden suurtagalnimada in la kordhiyo xabbad joojinta lagula jiro Xamaas ee maxaabiista la isku dhaafsanayo oo gashay maalintii u dambeeyey afartii cisho ee lagu heshiiyey.

“Waxaan soo celinay koox kale oo la haystayaal ah caawa fiidkii – haween iyo caruur, waxaana ka guurnay gunta qalbiyadeena, qaranka oo dhan, markaan aragno dib u midaynta qoysaska” ayuu yiri Netanyahu

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shuruud ku xiray iney sii socoto xabad joojinta.

“In la sii daayo toban qof oo dheeraad ah maalin kasta waan soo dhoweynaynaa” ayuu raaciyay.

Netanyahu wuxuu sheegay in uu Biden u sheegay in marka xabbad joojintu dhammaato, Israa’iil ay dib u bilaabi doonto dagaalka ay ku doonayaan iney ku ciribtiraan Xamaas

Dhinaca kale, Bayaan ay soo saartay fiidnimadii Axadda, Xamaas waxay ku sheegtay inay doonayso in la kordhiyo xabbad-joojinta ka dib marka ay dhammaato muddada afarta maalmood ah, iyadoo loo marayo dadaallo dhab ah oo lagu kordhinayo tirada dadka laga sii daynayo xabsiga sida uu dhigayo heshiiska xabbad-joojinta bini’aadantinimo.

Inkasta oo golaha wasiirrada Israa’iil ay ka wadahadleen suurtogalnimada kordhinta xabad joojinta, ilo-wareed ayaa u sheegay CNN iney ogol yihiin haddii la sii deynayo maalin kasta 10 maxaabiis Israaiiliyiin ah.

Related posts

Burundi oo War cusub ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia

Caydiid Ali

Qelin jebintii geerida: Ku dhowaad Boqol caruur ah oo lagu laayey dalka Afghanistan (Sawirro Murugo leh)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---