Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iska hor imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Waxaa duhurnimadii maanta iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan dowlada  Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa sida aan wararka ku helnay dhax maray ciidamo katirsan Nabad Sugida  iyo Ciidamo booliis ah, waxaana la sheegay in iska hor imaadkaasi uu ka dhashay muran labada ciidan dhax maray.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsan ciidanka dagaalamay ayaa goobtaasi ku dhintay halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana goobta lagu dagaalamay markii dambe gaaray  saraakiil katirsan ciidanka dowlada.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaad dhax mara ciidamo kawada tirsan dowlada, waxaana iska hor imaadkaasi xiliyada qaar uu khasaaro kasoo gaaraa shacab aan waxbo galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qareenada u doodayay Somalia oo wacdaro ka dhigay fadhigii Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

Puntland oo gurmadkii ugu weynaa u dirtay Belad-weyne iyo Deni oo sagootiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Maxamad Hery (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---